Kiisas Cusub oo Caabuqa Karoonaha Ayaa Laga helay Kuuriyada Koonfureed.

0
617

Talaado, RBB News:- Koonfurta Kuuriya, oo leh tirada labaad ee ugu badan ee cudurrada ku dhaca Aasiya ka dib Shiinaha, ayaa markale waxaa laga soo warinayaa 76 xaaladood oo cusub oo coronavirus ah Maanta oo Talaado ah, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee caabuqyada ka jira waddanka 9,037.

Tirada dhimashada cudurka coronavirus ee Kuuriyada Koofureed ayaa sidoo kale kor u kacday waxa ayna gaartay 120 qof .

In kasta oo isbeddel hoos u dhac ah uu jiro, sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo lagu magacaabo  Yoon Tae-ho ayaa sheegay in mas’uuliyiinta “aysan qiimeyn karin dhacdooyinka faafa xaaladaha iyada oo loo marayo tirada bukaannada la xaqiijiyey hal maalin,”

Ugu badnaan 909 cudur oo cusub ayaa laga diiwaan geliyay Kuuriyada Koofureed bishii tagty ee Febraayo.

Dhanka kale, Talyaanigu, oo noqday xuddunta cusub ee masiibada usbuucii la soo dhaafay, ayaa laga soo sheegayaa 601 dhimasho oo cusub iyo 4,789 kiis oo cusub Shalay ilaa Maanta, taas oo calaamad u ah Hoos udhaca ku imaanaya  faafida Cudrkan maalin walba.

Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka ee kooxda ‘Milan’ ee ‘Lombardy’ ayaa kasoo muuqday telefishanka isagoo dhoola cadeynaya markii ugu horeysay usbuucyo badan.