Koonfur Afrika oo amartay in la soo qabto dadka dilalka u geysta Soomaalida

0
244

Talaado, 2 April 2019 (RBB News) – Dowladda Koonfur Afrika ayaa si kulul waxa ay u cambaareysay dilalka dadka soo galootiga ah oo ay soomalida ku jiraan loogu geysto dalkaasi,kuwaas oo inta badan ay ka dambeeyaan kooxaha Burcada ah ee gaangistarada loo yaqaano.

Qoraal kasoo baxay dowladda Koonfur Afrika ayaa lagu cambaareeyey weeraradaas,waxaana Hay’adaha Amniga dalkaasi la faray inay Gacanta kusoo dhigaan kooxaha caadeystay dilalka dadka soo galootiga ah oo ay qeyb ka yihiin Soomaalida.

Afhayeen u hadlay booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in weerarada ay inta badan ka dhacaan meelaha fog oo ay ciidamadooda joogin,isla markaana ay noqdeen kuwa soo laab laabtay,waxaana uu ku amray ciidamada Booliska dalkaas inay tallaabo qaadaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan dad badan oo kasoo kala jeeda wadamo badan oo Afrikaan ah,sida Itoobiya, Soomaaliya, Malawi iyo Zimbabwe, waxaana dilalka ugu badan loogu geystaa gudaha dalkaas Soomaalida oo Ganacsi ahaan u taga dalkaasi Koonfur Afrika.

Sanadkaan 2019 ayaa waxaa kordhay dilalka Soomaalida loogu geysto dalkaasi Koonfur Afrika,waxaana dabayaqaadii Bishii Febaraayo ee Sanadkaan dalkaasi lagu dilay in ka badan 10 Ruux oo Soomaali ah,waxaana weli laamaha amniga dalkaasi u suurtagelin inay qabtaan dadka dilalka iyo dhaca u geysanaya Soomaalida.