Koox Macawisley ah oo weerartay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan ka tirsan Aadan yabaal

18
13844
December 3, 2018 (RBB NEWS) – Koox iskeed isku abaabushay oo ah xoolo dhaqato ku nool deegaano ka mid ah gobolka  Sh/dhexe ayaa sheegtay inay weerareen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Guulane ee degmada Aadan Yabaal gobolka Sh/dhexe.
Mid ka mid ah kooxdan oo isku magacawday macawisley oo la yiraahdo Axmed Dhagay ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen xalay saqdii dhexe Saldhigga Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanka Guulane ay ku dileen siddeed ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab.
“Labo amiiro ah oo kala qaabilsanaa Zakawaadka iyo Maaliyada iyo lix kale ayaan ku dilney weerarkaas waxaana ku burburinay saldhigga ay ku lahaayeen deegaanka Guulane hub faro badana waan ka furanay.”ayuu yiri Axmed Dhegey.
Ninkan u hadlay kooxda macawisleyda oo hore hogaamiyahoodii lagu diley dagaal ka dhacay deegaan aan ka fogeyn halka ay xalay weerarka ku qaadeen ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan la dagaalanka ururka Alshabaab.
Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa hore ugu ammaanay kooxda macawisleyda  is abaabushay waxaana uu sheegay maamulku inuu garab taagan tahay kooxda.

18 COMMENTS

  1. not pkh 301a 12 300 watt

    carl cox anuncia o fim da sua resid锚ncia em ibiza ap贸s 15 anos batterie pour enceinte bose laiyiqi bt speakers antenna altavoz bluetooth con radio fm vga video audio matrix switch cat5 remote monitors router rj45 audioquest black lab sub cable 5m u.s a…

  2. chaussures originales en cuir

    steve mcqueen british style adidas stan smith adulte montures lunettes homme 2016 pharmalens d茅tails sur femmes pure soie culotte slip sexy bikinis lingerie sous v锚tements s 邪泻褑懈懈 胁 锌褟褌褢褉芯褔泻械 褋 9 锌芯 15 邪锌褉械谢褟 2019 v墨rie拧u soma kr膩s膩 izgatavota no audum…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here