Kooxaha Arsenal iyo Tottenham oo ku dagaalamaya saxiixa mid ka mid ah xidigaha Manchester United

136
8308

(Manchester) 11 Okt 2018. (RBB SPORT) –   Wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in loolan aad u adag uu dhex mari doono kooxaha reer London ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

kooxaha reer London ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa waxay wada qorsheenayaan inay u dhaqaaqaan lasoo saxiixashada difaaca reer Ivory Coast iyo kooxda Manchester United Eric Bailly suuqa soo aadan ee furmi doono.

24 jirkan reer Ivory Coast ayaa wuxuu qeyb kasoo noqday qorshaha kooxaha Gunners iyo Spurs, gaar ahaa xili uu ka baxay qorshaha tababare Jose Mourinho ee kooxda Manchester United.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in macalinka reer Argantina ee kooxda Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino uu si weyn ula dhacsan yahay qaab ciyaareedka Eric Bailly, wuxuuna qorsheenayaa inuu lasoo saxiixdo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee furmi doono bisha January, laakiin wuxuu loolan adag kala kulmi doonaa dhigiisa kooxda Arsenal

Si kastaba wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Manchester United ay u ogolaan doonto inay iska fasaxdo Eric Bailly u dhaqaaqista Tottenham Hotspur, laakiin waxay shuruud kaga dhigtay in badalkiisa ay ka heli doonto difaaca reer Belgiam ee Toby Alderweireld.

136 COMMENTS

  1. I was recommended this website by my cousin. I am not sure whether this post is written by him as nobody else know such detailed about my difficulty. You are amazing! Thanks!

  2. Royal CBD

    […]very handful of web-sites that transpire to be detailed below, from our point of view are undoubtedly properly worth checking out[…]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here