Ku Dhawaad 10 Qof Oo Ku dhintay Qarax Ka dhacay Kabul.

0
359

Jimco RBB News:- Sadex qarax oo xoogan ayaa ruxay caasimada magaalada Kabul ee wadanka Afghanistan,waxaana ku dhintay 15 qof sida laga soo xigtay saraakiisha Amniga.

Sideed ka mid ah dadka ku dhintay qaraxyadaan ayaa waxay ahaayeen shaqaalaha wasaarada macdan iyo Batroolka.

Daqiiqado kadib ayaa dagaal yahan kale isku qarxiyay meel dhowr talaabo u jirta halka uu qaraxa hore ka dhacay waxaana ku dhintay 7 ruux halka 20 kale uu dhaawac ka soo Gaaray.

Qaraxa sadaxaad ayaa ka dhacay gaari yar oo uu saarnaa nin isku soo xiray walxaha Qarxa inkastoo qasaare badan aysan ka Dhalan.

Qabarkaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka wasaarada Arimaha gudaha Afghanistan Nasrat Raxiimi.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in ay kororto qasaaraha dhimasho ee weerarkaan maadama dhaawacyada qaar ay halis Yihiin.