Kudhawaad 10 Askari Oo Katirsan Dowlada Oo Kudhintay Qarax Kadhacay Sh,Hoose.

0
220

Talaado, RBB News:- Ugu yaraan 7 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyootay Qarax  nuuca dhulka lagu aaso oo lagula eegtay meel udhaw degmooyinka  Janaale iyo Buufow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen,

Ciidamda qaraxa lala eegtay ayaa saarnaa gaariga uu qaraxu haleelay taasi oo sababtay in uu bato Khasaaraha soo gaaray Ciidamda.

Xariiro aynu lasameynay Saraakiisha Ciidamda Dowlada iyo dadka shacabka ah ee kusugan goobta ay waxyeeladu ka dhacday ayaa inoo suuro galin in aan helno hasa haatee warar ay baahiyeen Alshabaab ayay kusheegeen in ay qaraxaasi ku dileen 7 Askari oo katirsan Ciidamda Dowlada Somaliya.

Alshabaab Ayaa sidoo kale sheegay in Khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen ciidamada Dowlada ayna bur buriyeen gaarigii ay wada saarnaayeen sida ay hadalka udhigeen.

Majiro wax war ah oo wali kasoo baxay Dolwada Somaliya oo laxariiro Xaqiijinta ama beeninta wararka ay Shabaabku Baahiyeen ee laxriiro Qaraxaasi.

Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay hadda isku diyaarinayaan siddii ay u gaari lahaayeen deegaannada kale ee gobolka ay ka joogaan Al-shabaab.

Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Sablaale iyo Kuntuwaarey, waxaana qorshaha ugu  weyn ciidamada yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Kuntuwaarey  oo ah degmada kaliya ee ka maqan gacanta ciidanka dowladda oo Al-Shabaab  maamulaan.

Ciidamada dowladda ayaa dhanka kale howlgallo ka  sameeyay inta u dhaxeysa Janaale iyo Buufow, waxaana howlgalkaas isugu  jiraa miino baaris iyo xaqiijin amniga wadadaas, si ciidamada ugu soo  maro saadka iyo sahayda.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo mareykan ah la wareegeen deegaanka Janaale, waxaana howlgalkaas uu qaatay maalmo.