Kulanka Xildhibaanada Gollaha Shacabka Oo Maanta Furmayo.

0
293

Sabti RBB News:- Maanta ayaa lagu wadaa inuu si toos ah Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho uu uga furmo Kalfadhiga Golaha Shacabka Somaliya, kadib markii Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Somaliya horay u shaaciyeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa maanta furitaanka Kalfadhigooda kadib, waxaa uu Ajandaha Kulanka yahay Akhrinta Koowaad wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka, kaasi oo Xildhibaanada ay dhageysanayaan Akhrintiisa koowaad.

Dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inuu jiro kulanka maanta, waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka xilli hore uu ka dalbaday Xildhibaanada maqan inay dalka ku soo noqdaan oo ay soo xaadiraan Kulamada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa soo dhameystay fasaxii Ciida ee la fasaxay intii lagu guda jiray Bishii Barakeysnayd ee Ramadaan.

Kulamada Baarlamaanka Somaliya ayaa inta lagu guda jira Kalfadhigaan waxa  ay soo qabteen shaqooyin badan, halka wali ay u dhiman yihiin shaqooyin kale.