Kullan looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa Shacabka ay Fatahaada saameysay oo ka dhacay Boosaaso

10
6361

Kullan ay dhalinyarada isxilqaamayaasha Puntland oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ku qabteen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxay kaga hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Fatahaada Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid  Ismaaciil Maxamed (Capitano) ,Qaar kamida maamulka iyo macalimiinta Jaamacadaha Puntland, waxgarad,Nabadoono iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,waxayna dhammaantood isku raaceen in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka ay waxyeeleysay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland oo kulanka kahadlay waxay fariin udireen dhaamaan ummada Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan in loo istaago caawinta iyo garab istaaga dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha Puntland ayaa iyagana u mahadceliyay dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland, iyagoona uga mahadceliyay sida ay marwalba ugu taagan yihiin u gurmashada ummada Soomaaliyeed waxayna dhankooda sheegeen inay garab istaagi doonaan walaalahooda dhibaateysan.

Dhanka kale taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid  Ismaaciil Maxamed (Capitano) ayaa isna waxa uu bogaadiyay dadaalka ay wadaan dhalinyarada Isxilqaamyaasha Puntland waxa uuna sheegay in ka ciidan ahaan ay diyaar uyihiin ka qeyb qaadashada gurmadka loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ugu danbeyn waxaa kullanka ka hadlay Waxgaradkii iyo nabadoonadii ka qeybgalay munaasabadda, waxayna sheegeen inay dhankooda diyaar u yihiin ka qeybqaadashada gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

10 COMMENTS

  1. Знаете ли вы?
    Врач на карантине спел созданную для фильма песню Высоцкого «Давно смолкли залпы орудий».
    Перечень имён может быть самостоятельным поэтическим жанром.
    Картина парада Победы, где руководство страны смещено на задний план, получила Сталинскую премию.
    Бразильский дипломат принимал непосредственное участие в создании государства Восточный Тимор.
    Сын политика-пьяницы помог принять сухой закон в своей провинции.

    http://www.arbeca.net/

  2. invicta orologio uomo

    foto allenamento giacca felpa bambino longines herrenuhr conquest schiesser kinder portemonnaie damen rosegold damen stiefeletten von rieker michael kors jet set borsa

  3. Знаете ли вы?
    Новый вид пауков-скакунов был назван по имени писателя в честь юбилея его самой известной книги о гусенице.
    Бывший министр финансов удостоился высшей государственной награды за распространение знаний о психических расстройствах.
    В игре про выгорание отражён печальный личный опыт главного разработчика.
    Синим цветом своих футболок «Скуадра адзурра» обязана Савойе.
    Старейшую в России организацию реставраторов велено было выселить и уплотнить.

    arbeca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here