Labo kamida raggii ku eedeysnaa dilkii Caisha oo la toogtay

0
115

Talaado, RBB News – Waxaa goor dhawayd Magaalada Boosaaso dil qisaas ah lagu fuliyay laba xukunsane oo horay lagu helay dilkii allaha u naxariiste   Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyda gabar 12 sanno jir ah.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu fuliyay dil  toogasho ah, halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame  oo ahaa Xukusanaha saddexaad mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa, kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah Aabbaha dhalay Caa’isha.

Maxkamada Darajada Koowaad ee gobalka Nugaal ee racfaanka iyo Maxkamada sare ee Puntland ayaa dhaammaantood si iska mid ah isugu raaceen xukun dil ah ee Ragga lagu helay in ay geysteen kufsiga iyo dil ay u geysteen Caisha Ilyaas oo ahayd gabar yar  oo 12 jir ah, taas oo ay kufsadeen raggan saakay toogashada lagu fuliyay.