Labo kiis Oo Caabuqa Karona Ayaa Laga Helay Kismaayo.

0
473

Isniin, RBB News:- Labadii kiis ee ugu horreeyay ee Corona Virus ah ayaa laga helay magaalada Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxmaed Warsame Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Corona Virus ee Jubbaland ayaa Telafishinka Dowlad Goboleedka Jubbaland u sheegay in labo ruux oo laga helay COVID-19 hadda lagu karantiilay Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasna lagula tacaalaayo.

Labadaan ruux ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee kusugan meel kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland.