Lacagta Shilinka Soomaaliga oo leysku afgartay in laga isticmaalo Beledweyne.

0
322

Khamiis RBB News:- Ku dhawaad Afar sano kaddib magaalada Beledweyne waxaa dib uga bilaawday isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga oo meelaha qaar wax lagu kala iibsanayo.

Kulan ballaaran oo maanta magaaalada Beledweyne ay ku yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo inta badan ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa looga wada hadlay socodsiinta lacagta Shilinka Soomaaliga oo lagu dhawaaqay in maanta wixii ka danbeeya bulshada loogu baaqayo isticmaalkeeda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo markii uu soo dhamaaday kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne la farayo in ay her-galiyaan isticmaalka lacagtan oo sida uu sheegay muhiimad gaar ah u leh nolasha bulshada, gaar ahaan dadka danyarta oo aan heli karin lacagta Dollar-ka.