Liverpool vs Real Madrid Oo Qeyb Ka Noqon Karta Group-ka Geerida Ee Isku Aadka Champions League

0
201

Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee difaacata Champions League waqtigaan casriga ah laakiin waxa ay heysteen Cristiano Ronaldo oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican dunida.

Laakiin ka hor inta aysan Liverpool ku fekerin inay difaacdaan koobkooda, waxa ay ku qasban yihiin inay ka soo baxaan wareega group-yada, mana aysan u sahlaneyn xilli ciyaareedkii hore markii ay ka soo baxeen Napoli kulan ay ku qasbanaayeen inay badiyaan.

Liverpool waxaa ku soo aaday group adag xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee 2018-19 iyagoo ku group ahaa Paris Saint-Germain, Napoli iyo Red Star Belgrade.

Si kastaba waxa ay isku diyaarin karaan group kale oo adag xilli ciyaareedkan inkastoo ay ku jiraan dheriga koowaad madaama ay yihiin kooxda heysata koobka Champions League.

Xaaladooda isku aadka waxa ay weli ku xiran tahay natiijooyinka kulamada isreebreebka ee socda, laakiin haddii aan ku darno kooxaha fursada fiican u heysta inay u soo gudbaan wareega group-yada waa kuwan group-ka ugu fiican ee ay heli karaan iyo kan ugu adag ee ay heli karaan.

Group-ka ugu fiican ee ay heli karaam: Liverpool, Shakhtar Donetsk, CFR Cluj iyo APOEL Nicosia.

Group-ka ugu fiican ee ay heli karaam: Liverpool, Real Madrid, Inter Milan iyo RB Leipzig.

Kan labaad waa group noqon kara group-ka geerida. Liverpool oo dheriga 1aad ku jirta, Real Madrid oo dheriga labaad ku jirta, Inter Milan kan seddexaad iyo kooxda adag ee Jarmalka RB Leipzig oo dheriga afaraad ku jirta.

Dhamaan seddexda kooxood waa kuwa si toos ah ugu soo baxay wareega group-yada Champions League.