Ma cafin lahayd ruux ku toogtay?

56
5282

Maalinta berrito ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho lagu qabto ololayaal la doonayo in dadka lagu wacyigaliyo inay is cafiyaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta bulshada.

Kooxo dhalinyaro ah oo is abaabulay ayaa isku hawlay 28 ka Juun ee sannad kasta in la sameeyo kulammo is cafin ah oo dhexmara shakhsiyaadka ama bulshada wax kala tirsanaysa. Cabdullaahi Cabdi Maxamed waa wiil dhalinyaro ah oo afar bilood ka hor lagu dhaawacay Muqdisho, wuxuuna go’aansaday inuu cafiyo askarigii dhaawaca u gaystay.

“Waxaan go’aansaday 5 maalmood ka dib markii uu dhibku igu dhacay inaan iska cafiyo askarigaas.Dhowr sababood ayaa igu khasbaysay.Sababta hore waxay ahayd isagoo ah askari qaranka u shaqeeya, tan labaadna waa haddii aanan cafin in aan cuqdad la noolaanayo” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi wuxuu sheegay in markii ugu horraysay ee uu go’aanka qaatay uu ku wargeliyey taliyeyaasha ciidanka ee askarigaas madaxda u ahaa.

Kulankoodii ugu horreeyey

“Aniga ayaa raadsaday, waxaanan u sheegay markii aan kulannay in aanan wax cuqdad ah qabin oo uu yahay nin dhallinyaro ah, sababta aan u cafiyeyna ay tahay, wakhtiga adag ee uu shaqaynayey iyo meesha uu taagnaa, iyo xilliga adag ee uu shaqaynayey anigoo qiimaynaya dartood in aanan wax cuqdad ah u qabin oo uu saaxib ila noqdo, anna aan ahay saaxibkiis iyo walaalkiis oo kale” ayuu yiri. Cabdullaahi oo BBC u warramayey.

Kulanka berri ayaa la filayaa in dad kale oo noocaas ah, iyo dad ay dhibaatooyin dhex mareen ay laabta isku saaraan.

 

56 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here