Maanta Malagu Dhawaaqi Doonaa Xildhibaanada Cusub Ee Galmudug?

0
266

Axad, RBB News:- Iyadoo maanta oo isniin ah ay ku beegan tahay maalintii loo qorsheeyay ku dhawaaqista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka galmudug waxaana jira caqabado dhowr ah oo xiligan ku xeendaaban ku dhawaaqistooda

Waxaa jira warar sheegaya in dib u dhacan ku yimid ku dhawaaqista xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada galmudug ay salka ku heyso tabashooyin ay qabaan beelaha qaar iyo is qab qabsi ka dhex taagan qaabka awood qeybsi ee ku saleysan 4.5 ee loo kala siiyay xildhibaanada beelaha wada daga deegaanada maamulkàasi galmudug

Gudiga farsamada iyo qaban qaabada dooraashooyinka galmudug ayaa markii labaad horey usoo saaray jadwalka doorashooyinka galmudug iyadoo 30-bisha oo maanta ku beegan ay u asteeyen in lagu dhawaaqo xildhiibaanada cusub ee galmudug walow kaliya ay jiraan in la shaaciyay xildhibaanada garabka ahlu-suna waljameeca la siiyay

Doorashada galmudug ayaa la daala dhaceysa caqabada ku hor gudban tan iyo markii la asteeyay in sanadkan gudihiis la qabto doorashooyinka hogaanka sare ee maamulkaasi iyadoo wasaarada arrimaha gudaha ay la tacaaleyso caqabadaha xiligan ka taagan xiligan