Maareeyaha maamulka Wajaale: ‘Liyuu Boolis ayaa i dhaawacay’

9
5475

Image result for bbc somali

JIMCO, AGOOSTO 10, 2018 “Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale, qaybta Itoobiya ay maamusho, ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey Liyuu booliska inay xalay toogasho ku dhaawaceen.

Wuxuu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu booliska “inay qaataan gaari dabdamis ah oo magaaladu lahayd”.

Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaaray, oo xabbaddu ay hilibka dhex martay, xaaladiisuna ay fiican tahay.

Wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in “dhallinyaro ay rabshado ka wadaan”.

“Dabdamiskii iyo alaab kaleba waa qaateen, qaarna dhaawacyo ayey gaarsiiyeen” ayuu yiri Axmed-Khadar.

Dhinaca kalena, sida uu BBC u sheegay guddoomiyaha degmada Balli-gubadle ee dhinaca Somaliland, Yaasiin Maxamed Shide, maamulkiisu wuxuu ilaalo u diray seddex goobood oo gobolka Hawd xiga oo ay fariisimo ku lahaayen ciidanka Liyuu Booliska.

Goobahaas ayuu ku sheegay inay ku yaallaan Balli Cabbane, Gumar iyo Balli-gubadle oo dhamaantood ku yaalla xudduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya.

“Si aan uga badbaadinno in la boobo ayaan xeryahaas ugu dirnay dad ilaaliya, ilaa iyo inta maamulka Itoobiya ay uga imaanayaan” ayuu BBC ku yiri Yaasiin Maxamed Shide.

XIGASHO (BBC)

9 COMMENTS

  1. svetr orsay xs 50 k膷 od prodejkyn臎 d臎tsk媒 bazar

    safe tasje online kopen huis comfort vila zachte gebreide trui sanda艂y sklep g贸rski lacoste riberac barva b铆l谩 tenisky d谩msk茅 tuniky velikost m ve v媒prodeji online u zalando stylov媒 boty nike air vapormax moc 2 v modr茅 sale hydro flask 20 oz wide mouth…

  2. enjuague bucal fluor 500 ml. dia online

    Xiaomi 銉栥儵銉冦偗銈点儭 2 銉椼儹 12 1gb 銇?ram 512 銈偓銉愩偆銉?rom 銈层兗銉犮偣銉炪兗銉堛儠銈┿兂 6.39 銉曘儷鐢婚潰銈兂銈儳銈姐偊 855 銉椼儵銈广偑銈偪銈炽偄鎼哄腐闆昏┍ 14 鑹?mi 銉愩兂銉?2 鎵嬮銈广儓銉┿儍銉椼儥銉儓銈枫儶銈炽兗銉炽偒銉┿儠銉仾銇熴倎 mi 銉愩兂銉?2 銈广優銉笺儓銉栥儸銈广儸銉冦儓銈枫儯銈?mi 銉愩兂銉?2 銈偗銈汇偟銉兗 SZ 4.5 8 楂樼礆銈搞儱銈ㄣ儶銉?Soild 925 銈广偪銉笺儶銉炽偘銈枫…

  3. 未喂伪纬蠅谓喂蟽渭慰委 蟺慰蠀 苇位畏尉伪谓 蟽蔚位委未伪 1117 未喂伪纬蠅谓喂蟽渭慰喂 渭蔚 未蠅蟻伪

    蟺位伪魏维魏喂 渭蟺维谓喂慰蠀 cosmos anthracite 渭伪蟿 20 60 蟿伪蠂蠀未蟻慰渭喂魏慰委 魏蠋未喂魏蔚蟼 蟽蔚 蠈位畏 蟿畏谓 蔚位位维未伪 optim谩ln铆 kvalita lego friends beach house large 拧koln铆 svatebn铆 拧aty dlouh茅 p艡il茅hav茅 sexy v谩zac铆 triko 拧aty 膷ern茅 origin谩ln铆 italsk茅 m贸dn铆 simba zv铆艡谩tka do vany s off…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here