Macalin howlgab ah oo ku horreeya tartanka madaxtinimada dalka Tuniisiya

0
165

Isniin RBB News:-Aqoonyahanka ku xeel dheer arrimaha dastuurka ee dalka Tuniisiya Qays Saciid ayaa u muuqda inuu noqon doonna madaxweynaha dalkaasi,ka dib doorashadii shalay ay u dareereen in ka badan todobo Malyan oo qof.

Qays Saciid oo ah macalin howlgab ah ayaa la tartamay wariye caan ah oo lagu magacaabo Nabiil Qurawi oo leh shirkado warbaahin oo xoog leh.

Natiijooyinka hor dhaca ah ayaa sheegaya inuu Saciid kaga sareeyo codbixinta nin la tartamay ee lagu magacaabo Nabiil Al-qurawi oo dhawaan laga soo daayay xabsi uu ku jiray sababo musuq-maasuq dartii.

Wareegii koowaad ee doorashada oo dhacday 17- Semptember ee sanadkaan ayuu helay mudane Qays oo ahaa tartame madax banaan 18% cododka ay dhiibteen dadka reer tuniisiya, halka uu isaganna uu helay mudane Nabiil Al-qurawi oo ahaa musharaxa xisbiga “Wadnaha” Tuniisiya 15%, waxaa tartankaasi lagu reebay xisbiga Al-Nahda ee wadaadada ah.

In kastoo si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada doorashada madaxtinimo ee dalka tuniisiya,hadaana hay’adda lagu magcaabo “ saygmaa konsaay”  ayaa ku sheegtay ra’yi uruurin ay sameeysay in uu Qays Saciid uu ku guuleystay doorashada isagoo helay 76% codadka la tiriyay.

Dhankiisa waxa uu qirtay Nabiil Al-qurawi in uu ku guul daraystay doorashada madaxtinimmo ee tuniisiya.

Waxaa xusid mudan in Qays Saciid oo ah khabiir dhinac qaanuunka dastuuriga ah uusan ku bixin ololihiisa doorasho wax lacag ah ama qaaraan, wuxuuna aad u adeegsaday hal hayska “ shacabka ayaa doonaya “ oo laga soo min guuriyay gabyaagii reer tuniisiya oo lagu magacaabi jiray Abul Qaasim Al-shaabii oo yiri” Shacabka haddii uu wax doon cid celi karta ma jirto.