Madaxa Amniga Gobolka Somalida Ee Kenya Mamusho Oo Lamagacabay.

0
103

Talaado RBB News:- Warqad kasoo baxday Xafiiska Madnaxweynaha Dalka Kenya Uhura Kenyatta ayaa waxaa lagu magacaacabay Madaxa Amniga Ee Gobolka Somalida ay maamusho ee Kenya kuyaal.

Nicodemus Musyoki oo horay u ahaa Madaxii Sirdoonka Kenya ayaa loo magacaabay madaxa amniga Gobolka Soomaalida Kenya waxaana uu badalayaa Maxamed Biriq oo muddo sanad ah hayay xilkaas,

Ninkan lamagacaabay ayaa sidoo kale lasheegay in uu mas’uul ka noqonayaa sugidda amniga Sohdinta ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa aad uliitay Amniga Guud ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya tan iyo markii ay ciidamada Dowlada Kenya ay gudaha Uso galeen Dalkeena Somaliya.

2011-kii ayay ahayd xilligii ay gudaha Somaliya ay soo galeen Ciidamada Kenya Xilligaasi ay doonayeen in ay AL-shabaab ka sifeeyaan degaannada ku dhow sohdinta Kenya ay maamusho.

Laga soo bilaabo Dabayaaqadii Bishii hjore Weeraro ka dhacay Magaalooyinka Wajeer, Gaarisa iyo Mandheera oo kawada Tirsan Gobolka waqoyi bari Ee Kenya ayaa lagu dilay dad gaarayay 30 qof oo isugu jiray Ciidamo katirsan Kenya iyo Dad Shacab ah waxaana weeraradaasi Mas’uuliyadooda Shegtay Al-shabaab.