Madaxda Ahlu-suna oo khilaaf cusub uu soo kala dhex-galay

0
249

Isniin, RBB News – Ilo lagu kalsoonan karo oo ku sugan Magaalada Dhuusomareeb ayaa xaqjiinaya in lagu kala dareeray kulankii ay saacadihii laso dhafay Dhuusomareeb ku lahaayeen Madaxda ugu sareysa ahlu-suna waljameeca.

Waxyaabihii ugu badnaa ee la isku fahmi waayay intii uu socday ayaa waxaa qeyb ka ahaa garab doonaya in Dowladda Federaalka looga danbeeyo xalada isbedelka siyaasadeed halka kuwo kalana ay dalbanaya in aysan diyaar u aheyn in gor gortan xiligan kadib ay la galaan Dowladda Dhexe madama heshiiskii hore ay ka baxeen.

xubnaha kulan ka qeyb qaatay ayaa kamid ahaa Maclin Maxamuud, Sheekh Axmed Shaakir,Ashcari.

Sikastaba Ha ahaate madaxda dowladda ayaa lagu eedeynaya in ay bur burin ku heyso Maamulka Galmudug.