Madaxda Hirshabelle iyo Saraakiisha Amisom oo ka wada hadlay dagaaladda Ka Dhanka ah Shabaab.

0
422

Isniin RBB News:- Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta oo Isniin ah waxa uu Madaxtooyad Hir-Shabelle ee Magalada Jowhar waxaa uu kulan kula qaatay saraakiisha Ciidamada Amisom  Sector-kooda 5aad.

Kulanka ayaa ayaa looga hadlay sidii howlgal Qorsheysan oo mid ah loogu qaadi lahaa Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee  ku sugan deegaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa leyskula soo hadal qaaday howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa ku sugan deegaano & Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe oo ay kula dagaalamaan Ciidamada dowladda & Amisom.