Madaxda Koonfur Galbeed Oo Gudomiye Mursal Ku soo Dhaweeyay Xudur.

0
323

Isniin RBB News:- Gudoomiyaha gollaha shacabka Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidiiran waxaa usoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya iyo Bulshada Rayidka ah ee kusugan halkaasi.

Waxaa Magaalada Xudur kasocda qaban qaabada kulan looga hadlayayo Xaalada guud ee maamulkaasi, Sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Deeganada Mamulka Koonfur Galbeed iyo sidii alshabaab looga saari lahaa goobaha ay gacanta kuhayaan