Madaxweynaha Jubbaland Oo Sarakiisha Ciidamada Maamulkaas kala hadlay Amniga Kismaayo

0
254

Jimco, RBB News – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Sarakiisha faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo cidii ka danbaysay Falalkii amniga lidka ku ahaa ee u danbeeyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida Jubaland.

Magaalada Kismaayo ayaa gudaha bishan marti galin doonta doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Jubbaland oo ay musharaxiin badan u taagan yihiin qabashada xilkaasi.

Xasuusta dadka ku sugan kismaayo ayaa waxaa weli ka go’in weerarkii dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee Alshabaab ay ku qaadeen Hotel madiina ee Magaalada Kismaayo, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen masuuliyiin katirsan dowladda, wariyaal iyo dad rayid ah.