Madaxweynaha Mamulka Somaliland Oo Amray In Ciidamo Lageeyo Gobolka Sanaag.

0
215

Talaado RBB News:- Kadib kulan deg deg ah oo ee yeesheen Madaxweynaha Mamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Saraakiisha Ciidamda Amaanka Qeybahooda kala duwan Islamarkaana looga hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Ceel afweyn ee Gobolka Sanaag

Saxaafada ayaa dibad-joog ka aheyd kulankan u dhaxeeyay laamaha amaanka iyo madaxweynaha

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa lasheegay in saraakiisha Ciidamada Millateriga maamulkiisa ku amray in si deg deg ah Ciidamo loogeeyo lana dhex-dhigo Maleeshiyadka ku dagaalamay deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalada kazoo cusboonaaday deegaanka Ceel-Afweyn,kaas oo ah mid soo lab laabtay,waxaana dagaalkaas inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 9 ruux 12 kalena ay ku dhaawacmeen.