Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay Faragalinta Dowladda ee Gobolka Gedo

0
367

Talaado, RBB News – Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe ) Madaxweenaha Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa kahadlay siyaasada Dowlada dhexe ee maamulka Jubbland iyo arimo laxiriira doorashada sanadka 2020 lagu wado in ay ka dhacdo Dalka.

Madaxweynaha Jubbland Axmed madoobe ayaa sheegay in Dowlada dhexe ay baalmareyso Dastuurka Dalka u yaala, waxa uu soo hadal qaaday masuuliyiintii ay Dowladda u magacawaday Gobalka Gedo waxa uuna su’aal galiyay sharciga u xaqsiinaya Dowlada in Maamul ay u magaawdo Gobolka Gedo.

Dhinaca kale Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa ka hadlay sida doorasho kaga qabsoomi karto Dalka, waxa uuna tilmaamay in wax walba lagu heli karo Heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Weli waxaa jira khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, iyadoo Dowladda horay u sheegtay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland aysan aqoonsanayn  Axmed Madoobe, waxayna u sababeysay in lagu doortay Sifo iyo wadiiqo aanan sax ahayn .