Madaxweyne Cagjar oo ka tacsiyadeeyay dadkii shalay ku shahiiday Muqdisho

0
224

Axad, RBB News – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethopia Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka iyo xukuumada soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii Shacbaka ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Ethopia ayaa cambaareeyay qaraxaas oo dhibaato baaxad leh ka soo gaartay dad rayid oo aan waxba galabsan.

Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar wuxuu Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi in uu Janadiisa fardawsa ka waraabiyo inta dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Qaraxaasi oo ay soo maleegeen arxan laawayaal bannaystay dhiigga shacbiga, wuxuu gaystay dhibaato baaxad leh oo isugu jirta dhimasho, dhaawac  iyo burbur hantiyeed,waxaana qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo aan dalka wax looga qaban Karin loo qaadi doonaa dalka Turkiga.