Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliye Kuxigeenka 2aad ee Booliska Puntland

0
155

Isniin RBB News:- Madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.