Madaxweyne Muuse biixi oo lagu soo dhaweeyay Adis ababa

0
108

Wefti uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland Muusi Biixi Cabdi ayaa si diiran waxaa loogu soo dhoweeyey magaaladda Addis-ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Waxaa weftigan halkaasi ku soo dhoweeyey wasiirudawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha.

Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta xafiiska wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaaya madaxweynaha safarkan xubno ka mida golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Ujeedadda weftiga waxa ka hadlay afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka.

“waxaa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed”ayuu yidhi Warsame.

Sidoo kale waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey.