Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano Caawa ku Shiraya Godinlabe

0
554

Isniin RBB News – Deegaanka Godinlabe Ee gobolka Galgaduud Waxa caawa ka socda Kulan u dhaxeeya Madaxweyne Xaaf iyo xildbibaano katirsan Galmudug Oo ka tagay Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug ayaa iskaga soo baxay Dhuusamareeb kadib is faham waa Soo kala dhex galay asiga iyo Madaxdii horay ugu biirtay Galmudug Ee ka tirsanayd Ahlusuna Sida la xaqiijiyay.

Masuuliyiinta Maanta tagay Magaalada Cadaado Waxaa kamid ahaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare, Cabdiraxmaan Odawaa, Xil. Saabir Nuur Shuuriye iyo Xil. Siciid Nuur Giriish.

Magalada Dhuusamareeb Wararka ka imaanaya Caawa waxay sheegayaan in uu Halkaasi ka socdo kulan u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxdii Ahlusuuna ee ku biiray Maamulka Galmudug Oo ugu horeeyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Madaxweyne Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa habeenkii labaad Oo xiriir ah ku hoyanaya Deegaanka godinlabe iyadoo weli aysan jirin xal rasmi ah oo la gaaray.