Madaxweyne Xaaf Oo Caawa Ku Hoyana Deegaan Hoosyimaada Gobolka Galgaduud

0
513

Axad RBB News –  Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf Oo ka kooban Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Galmudug ayaa caawa ku hoyanaya Deegaanka Godinlaabe Ee Gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta Deegaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay halkaasi, waxaana uu dhankiisa ka mahad celiyay Soo dhaweynta ay u sameeyeen Madaxda Iyo Shacabka ku nool Deegaanka Godinlaabe Ee Gobolkaas.

Madaxda Deegaanka, Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa la filayaa in Madaxweyne Xaaf kulamo uu la qaato isagoo ka xog wareysan doona Xaaladda nololeed iyo tan Amni Ee Degmada.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa Galinkii dambe ee maanta Safar dhulka ah kaga ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb xili horay masuuliyiin katirsan Galmudug ay sheegeen in Madaxweyne Xaaf go’doon ay galiyeen Ciidamo gaar ah Oo Magaalada dhuusamareeb ku sugan.