Madaxweyne Xaaf Oo Maanta Kudhawaaqayo Gollihiisa Wasiiradda

0
127

Khamiis, RBB News:- Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo isu arka inuu weli yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku hawlan, sidii uu u soo magacaabi lahaa Gole Wasiiro oo ku shaqeyn doono Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa tan iyo bishii January ku sugan Magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu ka hor yimid dhabihii ay dowladda u martay dhismaha Galmudug-ta cusub.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa bishii hore lagu soo magacaabay Xildhibaano cusub, kuwaa oo maalmo ka dib doortay Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne Kuxigeen.
Madaxweyne Xaaf ayaa bilowgii toddobadkan Magaalada Gaalkacyo ka sheegay inuu weli yahay

Madaxweynaha Galmudug, isagoo xusay in uu dhameystay laba sano iyo bar, ayna u harsan tahay hal sano iyo bar, oo uu ku sheegay inay tahay mudadii afarta ahayd ee loogu doortay inuu noqco Madaxweynaha Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb siyaabooyin kala duwan loogu soo doortay laba Madaxweyne, oo ay kala taageerayeen Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe