Madaxweyne Xaaf oo Qorshaha diyaarinta doorashada Galmudug ku wareejiyay Xukuumada Somaliya.

0
316

Arbaco RBB News:- Madaxweynaha maamulka Galmudug ee uu waqtigiisa dhamaday Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa goordhow soo saaray xeer uu ku sheegayo in howsha doorashada iyo dib u heshiisiinta ka dhaceysa Dhuusa-Mareeb uu ugu wareejiyay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xeerka uu soo saaray Xaaf oo Muqdisho ku sugan waxa uu ku sheegay in hadafka laga leeyahay ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa shaqada ka socota Galmudug, maadaama buu yiri maamulkaas xaalad cakiran uu galay.

Xaaf oo todobaadkan magaalada Cadaado heshiis kula saxiixday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in howsha soocta aysan saameyneynin Hay’adaha Galmudug inta maamul cusub looga soo dhisayo gobolka Galgaduud iyo Koofurta Mudug.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa haatan loo madax banaaneeyay qabashada doorashada Galmudug, iyadoo Xaaf uu dhowr jeer ooh ore uu ugu eedeeyay iney fara gelin qaawan ku heyso doorashada, yadoo beri oo ay bisha tahay 4-ta July ay tahay xiliga uu waqtigiisa ku egyahay Madaxweynaha Galmudug.