Mareekanka oo war kasoo saaray duqeyn ka dhacday J/dhexe

0
389

Talaado, RBB News – Taliska ciidamada Mareykanka ee afrika ayaa war saxafadeed kasoo saaray duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntan lagu beegsaday saldhigyo al shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Ku xigeenka madaxa howlgalada mareykanka ee africom Gen. Bradford J. Gering ayaa tibaaxay in duqeyntan lagu dilay xubin katirsan xarakada Alshabaab isagoo geesta kale carabaabay ineysan jirin khasaare soo gaaray dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanka duqeynta laga fuliyay.

Sikastaba ha ahaate, mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ee ka geeysanayo deeganada ay maamulan xarakada Alshabaab iyagoo geesta kale tilmaamay ineysan khasaare duqeymahooda kasoo gaarin dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha laga fuliyay duqeymaha.