Mareykanka Oo Faah Faahiyay Duqeyn Ay Kudileen Saraakiil Shabaab Ah.

0
259

Axad, RBB News:- Howlgalo ay iska kaashadeen Ciidamada Xoogga dalka iyo Howlgalka Ciidanka Mareekanka ee Afrika ayaa lagu dilay horjoogayaal sare oo ka tirsan Xarakad Alshabaab Al-shabaab.

Dhanka Waxaa War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamda Mareykanka Iyo kuwa Dowlada ay duqeymo dhinaca cirka ah kawada fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Howlgaladaan oo laba qeybood ahaa kan koowaad waxa sabtidii laga fuliyay deegaanka Cali Barroow waxaana lagu dilay laba Sarkaal oo ka tirsan AlShabaab.

Howlgalka xigay oo ay ciidanku Shalay Galab ay ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay Xubin Kale Oo Katirsan Alshabaab Sida lagu sheegay War kasoo baxay Dolwada.

Taliska AFRICOM ayaa Sidoo kale Sheegay in duqeyntaasi ay ku bur buriyey laba Gaari laguna diley laba Xubnood oo uu kamid yahay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab .

Waxaa kale oo warsaxaaafadeedka ay kuqoreen in duqeyntaas aysan waxba ku noqon dadkii radiydka ahaa ee kusugnaa Goobta ay Duqeynta Kadhacday..

Dowlada Somaliya Iyo Taliska Mareykanka Ee Afica Ayaa sanadkan sii dhamanaya Kordhiyay weerarada Duqeymaha eel ala bartilmaamedsaday Saldhigyada iyo Mas’uuliyiinta Katirsan Alshabaab waxaana ay ku dileen tobanaan Xubnood oo Ay kujiraan Saraakiil Iyo Ciidamo Shabaab Ah.