Mareykanka oo lagu eedeeyay Xasuuqa Israel ay ku heyso Falastiin

0
195

Isniin RBB News:- War saxaafadeed uu ka saxiixnaa afhayeenka Xamaas  Haazim Qaasim, ayaa lagu sheegay in go,aanka Washington uu dhiiri galinayo tacadiyo hor leh oo loo geesto shacabka Falastiin.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa dhaleeceeyay go,aanka dowlada Mareykanka ay kaga hortimid in baaritaano ay ku sameyso maxkamada danbiyada dagaalka Aduunka ee ICC ee ka dhanka ah Israel.

Afhayeenka Xamaas mr Xaazim Qaasim ayaa ugu danbeyn ku soo koobay hadalkiisa in madaxeynaha Mareykanka Donald Trump uu qeyb ka yahay maamulka Tel Aviv.

Mareykanka ayaa ka hor yimid in Maxkamada danbiyada dagaalka ay baarto tacadiyo bani aadanimo oo ciidanka Israel ka geesteen daanta galbeed iyo magaalada Gaza.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo wasaarada difaaca Mareykanka ay diyaarado dagaal ku taageertay milatariga Israel.