Mareykanka oo qorsheynaya cunaqabateyn ka dhan ah Turkiga

0
276

Khamiis RBB News:- Dowlada Mareykanka ayaa qorsheyneysa in cunuqabateyn ay ku soo rogto dalka Turkiga hadii dalkeeda loo daabulo gantaalaha difaaca Ruushka.

Labada dal oo ka mid ah isbaheysiga Nato ayaa isku maandhaafay gantaalaha S-400 oo ruushka ka Iibiyay Turkiga.

Maamulka Trump ayaa wacad ku maray in Turkiga uu cawaaqib xun uu la kulmi doono hadii dalkiisa uu ka laaban Heshiiskan.

Kadib kulankii G20 oo todobaadkii hore ay Donald Trump Recep iyo Tayyip Erdogan ay isku arkeen ayaa Trump u sheegay in maamulka Ankara uu wajihi doono Cunaqabateyn.