Masuuliyiin katirsan Hirshabelle oo qarax lala eegtay iyo Al Shabaab oo kordhisay weerarada ay ka fuliso Sh/Dhexe

0
303

Sabti RBB News:- Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax miino oo goor dhow lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin oo marayay duleedka degmada Balcad, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawa.

Kolonyada ay la socdeen Mas’uuliyiintan ayaa ka yimid degmada Balcad, iyagoo ku sii jeeday magaalada Jowhar, waxaa qaraxa miino lagula eegtay agagaarka deegaanka Gololey

Wararka hordhaca ee aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa miino uu ku dhintay Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa uu ku dhintay Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo kordhayay qaraxyada miino ee lala eeganayay gaadiidka ciidamada iyo kuwa mas’uuliyiinta.