Maxaa Ka Cusub Dhuusomareeb?

0
282

Khamiis, RBB News:- Loogan xoogan oo siyaasadeed ayaa ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoona uu u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada kale ee siyaasad ahaan ka soo horjeeda.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa toddobadyadii la soo dhaafay lagu eedeynayay inay fara-gelin qaawan ku hayso doorashada Galmudug, xilli hadafkeeda lagu sheegay sidii ay doorasahdaasi ugu soo saari laheyd musharax ay wadato.

Dowladda Somaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay inay muruq iyo maalba ku bixisay, sidii musharax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) natiijo wanaagsan uga keeni lahaa Doorashada Madaxtooyada Galmudug.

Siyaasiyinta Xisbiyada KMG ee dalka ka dhisan ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka joogga wakiilo metelaya iyo musharaxiin, ay la doonayaan inay ku soo baxaan tartanka ay la gelayan musharaxa la sheegay in laga taageerayo Madaxtooyada Somaliya.

Saddex ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ayaa Arbacadii shalay waxay Magaalada Dhuusamareeb ku samaysteen isbahaysi ay ku doonayan inay doorashada kaga reebeen Qoor Qoor.

Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Guutaale ayaa ah musharaxiinta ku midoobay Magaalada Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka ahayn doorashada Galmudug ayaa ka digay in lagu guuldareystay dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Doorashadan ayaa waxaa la saadaalinaya inay ka adkaan doonto middii 19-kii bishii December ee sanadkii 2018 ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, Madaxweynaha Koonfur Galbeed-na loogu soo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo loo arkaayay mid ay taageereysay Villa Somalia.