Maxaa ka jira in Abiy Axmed iyo Farmaajo Tagayaan Hargeysa?

0
206

VOA “WASHINGTON. D.C — Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland, Suleymana Maxamuud Aadan ayaa maanta u sheegay xubnaha aqalka odayaasha in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu doonayo inuu booqasho ku yimaado magaalada Hargaysa isaga oo ay wada socdaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo.

Wararkan ayaa soo baxaya iyadoo madaxweyne Farmaaji uu toddobaadkii hore raalligelin ka bixiyey tacaddiyadii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre ka gaysatay Somaliland. Warbixintan waxaa Hargaysa nooga soo diray Khadar Maxamed Cakulle.