Maxaa Kacusub Xaalada Dhuusamareeb?

0
267

Axad, RBB News:- Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa ku jirta marxalad mashquul ah, taasoo ka dhalatay dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan, ganacsato, odayaal, waxgarad iyo qurbajoog.

Dhamaan xubnahaasi waxa Ay Dhuusamareeb u taggeen arrimo la xiriira marxaladda habraaca kala guurka iyo geedi-socodka dhismaha maamulkan.

Magaalada ayaa waxaa xilligan ka soconaya kulamo loogu ololeynayo Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Inkastoo aan weli la shaacin goorta la qabanayo Doorashada Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa hadana lagu hawlan yahay soo saarista jadwalka, ay tahay in loo raaco doorasahadaasi.