Maxaa kajira In Ladilay Wasiirkii Amniga Jubbaland?

0
341

Khamiis, RBB News:- Ehelada Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa waxay shaki ka muujiyeen inay Dowladda Federaalka dishay Wasiirka.

Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo oo ah Nabadoonka Wasiirka ayaa sheegay inay tuhmayaan in ay Dowladda Federaalka dishay Wasiirka, haddii aanay meel qarsoodi ah ku haynin.

“Koley ninkaasu waa nin dhintay ama waa nin meel qarsoodi ah ku jiro oo qoladaan ay si kale u aragtay. Walaahi anaga waxaanba filleynaa ninkaasi inuusan noolleen.” Ayuu yiri Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo.

Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo ayaa iftiimiyay inay meelo badan la xiriiraan, tan iyo markii ay Warbaahinta ka maqleen inuu xabsiga ka baxsaday Cabdirashiid Janan.

“Meel kasta waan la xiriirnay waxba lama hayo. Kismaayo lama hayo, Gedo waa meeshiisii, iyana lama hayo, Jubbaland lama hayo, Xamar dhexdeedana meel lagu hayn karo inaanay jirin baan fillaya.” Ayuu yiri Nabadoon Gurumo oo la hadlay BBC.

General Maxamed Cismaan Qaadi oo ka tirsanaa Saraakiishii Militariga ee Dowladdii Dhexe ayaa sidoo kale tuhun ka muujiyay in Wasiirka lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Madaxda Qaranka iyo iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan wax war ah ka soo saarin halka uu ku dambeeyo Wasiirka, tan iyo markii uu Taliska Boolisku sheegay in ninkaasi uu ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa