Maxaa Kala Socotaa Xogta Kusaabsan Ciidamadii Loo qaaday Eritrea?

0
284

Isniin RBB News:- Baaritaan lasameeyay ayaa lagu ogaaday in ciidamadii tababara loogu qaaday dalka Eritrea ee yihiin Ciidan Beeleed ka kooban hal Beel ayaa ayadoo tababar loogu diray Dalka Eritrea, Arintaan ayaa waxay ka hor imaanaysaa Dowladnimada iyo Nidaamka 4.5 sida ay qabaan qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo Xubno kamid ah Dowlad Goboleedyada.

Ciidan Beeleedkaan wuxuu ka kooban yahay Beesha Raysal wasaaraha oo qura, Horay ayaa sidoi kale Eritrea waxaa loogu diray 159 Maleeshiyo Beeleed si halkaas loogusoo tababaro, Waana Ciidanka Madaxtooyada ee ay Golaha Wasiiradu ay Khamiistii sheegeen iney ilaalinayaan Goobaha Dowlada.

Tababarada Maleeshiyaadka loo diro iyadoo la isticmaalayo Magaca Qaranka ayaa waayadaan dambe soo badanaya.

Maamul Goboleedyada ayaa moodaa iney hurdaan oo aysan waxba kala soco waxyaabaha Muqdisho ka socda iyo qaabka loo isticmaalo hantida Magaca Soomaaliya lagusoo qaato.