Maxaan ka ognahay joogitaanka Axmed Madoobe ee Muqdisho

0
698

Image result for bbc somalia logo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa muddo 10 maalmood ah ku sugan magaalada Muqdisho, waana muddadii ugu dheereyd oo uu ku sugnaado caasimadda Soomaaliya oo markii hore booqashadiisa ay dhawr maalmood uun qaadan jirtay.

Xilli aad la’isula dhexmarayo warar badan oo aan la xaqiijin karin hubbantidooda, ayaa xalay saqdhexe waxaa la faafiyay muuqaalo iyo sawirro muujinaya kullan casho sharaf ah oo uu Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre u sameeyay madaxweyne Axmed.

Axmed Madoobe waxa uu Muqdisho gaaray 24-kii bishii tagtay, isaga oo ka jawaabayay casuumaad oga timid madaxweynaha federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si Xamar loogu dhameeyo madmadoow la sheegay in uu soo kala dhex galay Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Socdaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib safar uu Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre ku tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo la shaaciyay in xal laga gaaray waxyaabihii ay isku hayeen labada dhinac, laguna balamay in Muqdisho lagu dhameeyo.

Ma jiro wax kulan ah oo la shaaciyay oo dhexmaray Axmed Madoobe iyo madaxweyne Farmaajo, balse illo lagu kalsoonyahay waxa ay BBC-da u sheegeen in ay dhaceen kulamo albaabada u xiranyihiin oo dhexmaray labada dhinac.

Sidoo kale ma jiraan wax faahfaahin ah oo laga bixiyay waxyaabaha laga wada hadlay ama la’isku afgartay, ama la’isku fahmi waayay, haddiiba ay jiraan.

Hase yeeshee hadal haynta ugu badan todobaadkan guud ahaan Soomaaliya, waa joogitaanka Axmed Madoobe ee Muqdisho, taas oo aan la haynin cid sharaxaad ka bixisa oo labada dhinac ah.

Hadal haynta ayaa cirka isku sii shareertay markii ay soo baxeen warar aan la hubin, oo qaarkood is burinayay, waxaana aad u batay dadka wax iska weeydiinaya halka ay wax marayaan.

Waxaa arrimaha xiiso usii yeelaya in ay aad usoo dhowdahay doorashadii madaxtinimo ee Jubbaland, taas oo lagu wado in ay dhacdo bisha Agoosto.

Madaxweyne Axmed ayaa maalmo ka hor intii uusan Muqdisho u kicitimin magacaabay guddi doorasho, kaas oo saacado gudahood uu ku ansixiyay baarlamaanka Jubbaland. Xildhibaanada baarlamaanka cusub ee madaxweynaha dooran doona ayaan isaguna weli la xulin.

Waftiga Jubbaland ee Muqdisho waa mid balaaran, waxaana qeyb ka ah guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdiraxmaan, kaas oo khudbado ka jeediyay furitaanadii labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa ka mid ah koox wasiiro ah, oo ay ka midyihiin dad Soomaaliya caan ka ah sida wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Warsame Darwiish oo horey usoo noqday agaasimihii nabad suggida Soomaaliya.

Waftiga Jubbaland ayaa xalay intooda badan ka qeybgalay casho sharaftii guriga Ra’isulwasaaraha ka dhacday, balse dhanka xukuumadda Federaalka waxaa sawirrada kaliya ka muuqday wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow.

War aad u kooban oo kusoo baxay qalabka warbaahinta dowladda maamusho ayaa lagu soo koobay in ay casho sharaf dhacday, waxaana kaliya casho sharafta ka hadlay wasiirka madaxtooyada Jubbaland Xirsi Gaani, halka dhanka dowladda aanan cidna lasoo xigan, mana jirin wax faahfaahin ah oo warkan ku jiray oo aan ka ahayn in casho sharaf uu Ra’isulwasaaraha u sameeyay madaxweynaha Jubbaland.

Warar kusoo baxay warbaahinta madaxa banaan qaarkood ayaase sheegayay in casho sharafta ay ahayd mid sagootin ah, mise jirto cid xaqiijisay arrinkaas.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe maanta la filayo in uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo sida ay sheegeen dad ka ag dhow madaxtooyada Jubbaland, balse marar dhawr ah oo wararkaas ay soo baxeen, run ma aysan noqonin.

Inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimada Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna u badanyihiin siyaasiyiin ka tirsan dowladda federaalka ama xiriir wanaagsan la leh. Waxaa sidoo kale Muqdisho ku sugan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.