Maxay kawada hadleen Axmed Madoobe iyo Musharixiintii kula loolantay Doorashada ee uu maanta la kulmay

0
201

Axad RBB News:- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu maanta la kulmay musharaxiintii tartanka la gashay maalintii Khamiista.

Madaxweynaha Jubbaland oo musharaxiinta ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa uu ka dhageystay aragtidooda ku aadan wixii feker ah, ee ay ku biirinayan, sidii Jubbaland horey loogu dhaqaajin lahaa.

Musharaxiinta ayaa ka jawaabay martiqaad uu u sameeyay Madaxweynaha Jubbaland, si ay uga wada hadlaan arrimaha Jubbaland, ka dib doorashadii marka labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Isla Khamiistii ayaa waxaa Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Maalintii Jimcaha ayaa waxaa sidoo kale Magaalada Kismaayo lagu doortay C/naasir Seeraar Maax, oo isna isu cumaamaday inuu yahay Madaxweynaha xigga ee Maamulka Jubbaland.

Dowladda Somaliya ayaa sheegaysa inay aqoonsan doonto oo keliya, marka doorasho loo dhan yahay ay ka dhacdo Xarunta KMG Jubbaland.