Maxay Tahay Sababta Wasiir Janan Loogu Qaaday Kenya?

0
230

Sabti, RBB News:- Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay safarka uu Wasiirkii Amniga Jubbaland, uu gelinkii dambe ee Jimcihii ku tagey Magaalada Nairobi.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo Jimcihii dooni ku tagey Magaalada Kismaayo ayaa saacado ka dib u amba baxay Xarunta Wadanka Kenya ee Magaalada Nairobi.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed ayaa xaqiijiyay in Cabdirashiid Janan uu arrimo caafimaad u tagey Magaalada Nairobi, ka dib markii uu ku xanuunsaday xabsigii uu kaga xirnaa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaanka oo ka mid ahaa dadkii Magaalada Kismaayo kula kulmay Wasiir Janan ayaa tilmaamay inay dawooyin ka siiyeen isbitaalka Amisom ee ku dhex yaala Garoonka Kismaayo, ka hor intii aanu u safrin Magaalada Nairobi.

Xildhibaan Shire Coley ayaa yiri “Wuxuu noo sheegay intii uu xabsiga ku jiray inuu ku xanuunsaday, isla-markaana uu ku dhacay Kaduudiye cudur la yiraahdo, uu xagaha lugaha kaga dhacay, laakiin sidiisa kale caafimaadkiisu wuu fiicnaa, laakiin waxaa ka muuqday dhafar/soo jeed badan. Markuu Kismaayo soo gaarayna waxaanu gaynay Garoonka Kismaayo, qaybta xarunta caafimaadka ee Amisom, xoogaa dawooyinaa ka siinay, isla-markiina waxaan qalqaalinay sidii deg deg Nairobi loogu gayn lahaa, si uu halkaasi ugu soo nasto, xaaladiisa caafimaadna loogu baaro.