Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridey mas’uul ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir

0
258

February 16, 2020 (RBB NEWS) – Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukun ku ridey Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo ahaa kusimaha Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir iyadoo ku xukuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale Waxay Maxkamaddu sii daysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay Walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamimay Xarunta Gobalka Banaadir, iyadoona la amray in Hay’adaha Ammaanku ay isha ku hayaan Dhaqdhaaqa C/laahi.

Hay’adaha ammaanka Dowladda waxa ay waqti fog gacan ku hayeen Xubno loo qabtay Qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo shaqsiyaad ay la xiriiriyeen Al-Shabaab, waxaana ku socotay baaritaano.

Waxayna Laamaha Ammaanka hore u sheegeen in tiro dad ah loo xirey qarixii ka dhex dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu diley dad uu kamid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow .