Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Oo Dhageysatay Dacwada Eedeysane Shabaab Ah.

0
216

Sabti, RBB News:- Maxakamada darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida ee ciidamada qeybteeda 60- aad ayaa Maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heysto eedaysane Siid Cali Suurad Macalin Cabdi kaas oo Xafiiska Heer ilaalinta ay Ku soo oogtay in uu masuul ka  ahaa qaraxyadii Mataanaha ahaa ee 13/10/2018-kii  ka kala Dhacey gudaha Magaalada beydhabo.

Xeer ilaalinta Maxakamada darajada 1-aad  ayaa kulankii manta  ku soo bandhigay  qiraalka eedaysanaha iyo markaatiyaal caddeeyay in uu kamid yahay Kooxaha wax dhakra, waxeyna maxakamadda ka codsadeen inninkaasi  la mariyo ciqaabta ku haboon.

Eedeysanahaasi ayaa qirtay in uu wax badan ka ogaa Labada Qarax ee ka kala dhacay maqaayadaha Badar,halkaas oo ay ku nafwaayeen Inka badan 26 Ruux, ayna ku dhaawacmeen 55 ruux kale.

Madaxda Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qeybta 60-aad ayaa sheegtay in dhowaan la soo bandhigi doono natijada xukunka eedeysanahaasi