Maxkamada Sare Ee Kenya Oo Kaso Horjeesatay Go’aan Kiinya ay doneysay.

0
354

Axad, RBB News:- Xerada Dhadhaab ee kutaal Dalka Kenya ayaa ah Xerada ugu weyn Dunida oo ay kunoolyihiin Qaxooti.

Maxkamadda ugu sarreysa Dalka Kenya ayaa kasoo horjeesatay go’aan ay Dowladda Kenya ay ku dooneysay in la xiro Xerada Dhadhaab.

Garsooraha bixiyay amarka ka dhanka ah go’aanka dowladda oo lagu magacaabo John Mativo ayaa Wasiirka amniga gudaha Kenya ku eedeeyay in uu sameeyay ku tagrifal awoodeed taasi oo ah in uu amray in xeradaasi la xiro

In ka badan 200,000 qof ayaa kunool Xeradan waxaana ay ubadanyihiin Qaxooti kabarakacay Colaada Kajirta Gobolada Somaliya

Maxkamada ayaa marka ay dhageysatay Kiiskan waxa ay sheegtay in aysan macquul ahay in qaxootiga lagu soo celiyo Soomaaliya.

Isagoona sido kale sheegay in Wasiirka amniga uusan Amarkan kala tashan Dadka ku nool Dhadhaab iyo hay’adaha sharciga dalka Kenya iyo kuwa Caalamiga ah waxa uuna takoor kutilmaamay Amrka Wasiirka.

Waxa ay Dowladda Kenya ku dooddaysaa in Xerada Dhadhaab ay noqotay meel ay AL-shabaab ka abaabulaan weerarrada ka dhanka ah dadka Kenyaanka ah sidaas darteedna loo baahanyahay in Xeradaas guud ahaan Albaabada loo laabo.

Hay’adda udooda Xuquuqda aadanaha iyo kuwa kashaqeeya Samafalka ayaa kasoo horjeestay Go’aanka Dowlada Kenya ay kudooneyso in ay kuxirto xerada Dhadhaab.

Xeradan waxaa kunool Kumanaan Qoysas Somali ah kuwaas oo kaqaxay Colaada iyo Dagaalada Kataagan Somaliya Sanadihii Lasoo Shaafay.