Maxkamada Sare Oo Digniino Udirtay Saraakiisha Iyo Askarta Dowlada Ee Gobolka Gedo.

0
189

Isniin, RBB News:- Xubno Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliya Jeneral Liibaan Cali Yarow oo maalmahan Kusugnaa Gobolka Gedo ayaa waxa Maanta Halkaasi kula Hadlay Saraakiil Katirsan Ciidamada Xooga Dalka.

Jeneraal Liibaan Gudoimiyaha Maxkamada Sare dhamaan Saraakiisha iyo Ciidamada Kusugan Gobolka Gedo kaga digay in ay kaqeyb qaataan Falal Laxariiro Qabiil iyo Siyaasad Isagoo Kubooriyay in Saraakiisha iyo Askartaba ay xaaraan Katahay Kaqeyb qaadashada Arimaha laxariira Qabaa’ilka iyo Siyaasadaha kala duwan.

Sidoo kale Jeneral Liibaan Cali Yarow Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya ayaa sheegay in Mas’uuliyada Saaran Askariga ay tahay kaliya Sugida amaanka qod walbo oo muwaadun ah islamarkaana uu ka amar qaato taliyaha uu hoostago.

Inta badan Ciidamada Dowlada Qeybahooda kala duwan waxa ay kaga qeyb qaataan Dagaal beeleedyo waxaana Xusid Mudan In Deegaanada Gobolka Gedo ay kataagantahay Xiisad Udhaxeyso Dowlada Dhexe Iyo Maamulka Jubbaland.