Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun dil ah ku Fulisay Rag katirsan Alshabaab

0
281

Arbaco, RBB News – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka waxay xukun dil ah ku fulisay saddexda ruux oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood Laba Ee muqdisho.

28kii October 2017kii, ayey raggan fuliyeen weerarkii Hotel Naasahablood laba lagu qaaday Sida Shaacisay Maxkamddu.

Saddexda Nin ee saaka Maxkamadda xukunta dilka ah ku fulisay ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay C/naasir Dhaqane, Farxaan Maxamed Samatar &
Abshir Maxamed Xaaji.

Horay ayey Maxkamadda darajada 1aad  iyo midda sare ee Ciidamada ku xukuntay Xukun dil ah Ragga saaka Oo ay taaiikhdu tahay 10 bisha july  la toogtay ee lagu helay denbiyo la xariira in ay ka tirsanaayeen Dagaalyahanada Hubeysan Ee Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo kaddib xukun fulisay iyada oo dhowr jeer eedeyn kala kulantay Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee dhaliila fulinta xukunnada dilka ah Ee ay jideysan Shareecada Islaamka.