Meydka 64 qof Oo Itoobiyaan Ah laga dhex helay baabuur xamuul ah.

0
706

Talaado, RBB News:- Ugu yaraan 64 qof Itoobiyaan oo la rumeysan yahay inuu naqaska ku dhegay ayaa meydadkooda laga dhex helay baabuur xamuul ah xilli ay ka taallabayeen xadka Malawi uu la wadaago Mozambique, sida ay sheegeen saraakiisha.

Waxaa sidoo kale gudaha baabuurka laga helay 14 qof oo badqabta xilli subaxnimadii saaka aheyd baabuurka lagu qabtay gobolka Tete ee Mozambique.

Saraakiisha socdaalka ayaa baabuurka ku qabtay magaalada Moatize, sida laga soo xigtay agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka, Carla Mosse.

Waxay sheegtay inay baarayaan sababta ka dambeysay dhacdada balse ay u muuqato in hawo laa’nta ka jirtay gudaha baabuurka ay sababtay dhimashada.

Amélia Direiro,oo ah afahayeen u hadashay waaxda socdaalka ee gobolka ayaa sheegtay in darawalka baabuurka uu ka dhaga adkeystay inuu joojiyo.

Waxay sheegtay in saraakiisha socdaalka ay maqleen qeylo iyo sawaxan ka imaanayay gudaha gaariga isla markaana ay ka shakiyeen inuu waday tahriibayaal.

Deegaanka waxaa inta badan sii maraa tahriibayaasha doonaya inay u sii gudbaan dhinaca Koonfur Afrika.