Meydka Madaxweynihii Hore Ee Kenya Oo Aqalka Baarlamaanka Lageynayo

0
215

Sabti, RBB News:- Maydka Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa lagu wadaa In la geeyo Dhismadaha aqalka barlamaanka ee magaalada Nairobi.

Mr Daniel Arap Moi oo ahaa madaxweynihii ugu cimriga dheeraa ee xilka hayay mudo 24 sano ah ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday isbitaalka Nairobi.

Waxaa xiran waddoyinka Soo gala aqalka barlamaanka Kenya iyadoo  ciiddamo isugu jira Military,boolis iyo kuwa GSU-da ay amniga si xoogan u Sugayaan.

Bahda warbaahinta gudaha iyo kuwa dibada ee ka howlgala magaalada Nairobi ayaa si weyn ula socda Arintaan.

Si kastaba ha ahaatee maalinimada talaadada ah ayaa lagu wadaa in hogaamiyihii hore ee Kenya oo ku dhintay da’da 95 sano jirka la Aaso.